Madxafka Cadaabta, Qore Cabdulqaadir Shire Faarax, 359 bog.

Maalmihii u danbeeyey waxaan akhrinayey buug uu qoraaga iska lihi u bixiyey ‘ Madxafka Cadaabta’ koobbiga buugga waxaa ii hadiyeeyey saaxiibkey Sadiiq Hurre safar buu ahaa, waxaa uuna niyaystay buugaagta agtiisa taal wax uun in uu ii reebo, waxaa uuna ka mid noqday laba buug oo uu ii reebay, durba akhriskiisa ayaan gudagalay.

Buugga Madxafka Cadaabta qoraagu waxaa uu ka mid ahaa golihii kacaanka iyo xubin golaha shacabka, waxaa uuna lahaa waregeyska Ogaal 1985-1990. Buuggu waxaa uu ka sheekeynayaa Soomaaliya oo barwaaqo joogta oo Siyaad Barre madaxweyne ka yahay, sanado lagu nafisay xukunkii Jaalle Siyaad iyo nooc xukun kalitalisnimo ah oo uu la soo baxay, dawladnimo la is afxiray, qoraagu waxaa uu kala doortay laba; in la aaso wixii la soo maray oo uu dhacdooyin xanuun badan oo cashar laga baran karo, asaguna u soo joogay, oo waxaas oo dhan la aaso iyo in runta la huro (to sacrifice the truth) waxaa uuna doortay tan kharaar se micno iyo cibro ba u leh jiilka maanta nool.

26 cutub oo midba kan kale ka cajab badan yahay waxaa aad dhex istaagaysaa taariikh aad is leedahay ma nooleyd, waa farshaxanka qoraaga oo lagu daray sida asaguba uu ugu muuqdo shakhsi xaqiiqada in uu raadiyo isku hawlaya, malaha intii aan buug taariikheed akhrinayay waa kan igula run dhawaa, marka uusan kala reebin Siyaad Barre oo uu la soo shaqeeyey, kana mid ahaa dadka ugu dhaw, ehel ahaayeen oo uu ka mid ahaa xigtada Siyaad Barre, ee uu soo faagay ceebihii uu lahaa, madax adeygii iyo xukun jacaylkiisii, eexdiisii iyo sida uu ammaanta u jeclaa.

Fashilkii 1977 ku bilowday Soomaaliya iyo Siyaad Barre oo ka madax adeygay dagaalka in uu joojiyo, oo ku waayey xulufo iyo garabkii Midowgii Soofiyeeti iyo sida asaga oo dagaalku in uu ka jeediyo afganbi uu ka cabsanayey uu ku jeediyey dareenka dagaalkii Xabashida. Qoraagu waxaa uu leeyahay dagaalka Itoobiya waxaa ka weynayd Siyaad Barre sida uu uga cabsi qabay in la afganbiyo, waxaa uuna u arkaa dagaalkii 77 in uu ahaa ka fakasho afganbi, waxayna ku cadahay sida asaga oo bahdilan, soo jabay oo rujuuc ah uu u aqbalay in uu nabad la galo Itoobiya.

 

Qoraaga buugga waxaa uu si dareen taabad leh uga sheekeynayaa dhacdooyin argagax leh waa xasuuqii SSDF u gaystay beesha Mareexaan ayaga oo dhibbane u ahaa Siyaad Barre 1981 waa xusuuqii Ceelhabreed, SSDF oo hubeysan soo gashay oo ay maras Mareexaan ah oo xoolo dhaqato ah ugu laysay Mareexaannimo, oo aan aniguba—akhriste— ku dhex akhriyey magacyada awooweyaashay iyo ehelo ii dhaw, kii Tuulo Eeley, oo ayana lagu dilay 44 qof oo sababsaday in ay ku reer yihiin Siyaad Barre. Jamahaddaaa waxaa hoggaaminayey Cabullahi Yuusuf waxaana hub iyo garab u ahaa Itoobiya.

Gabood falladii ciidanka Siyaad Barre uu ka gaystay xeebta Jazeera oo kaliya looga gol lahaa cabsi galin, tii caro Sacad iyo xusuuqii aan la kala soocin ee ka dhacay aagga Galkacyo waa Dhagabacayr. SNM iyo wixii ay samaysay maxkamad nin Sumuni lagu magacaabi jiray oo Burco ku tiil, oo magaca Daarood uu ka mid ahaa danbiyada, isla SNM oo Borama si aan kala sooc lahayn uga gaystay sifeyn isir.

Qoraaga buuggu waxaa uu si ay adag tahay in aad qoraalka sii wado uga hadlayaa macaluushii Baydhaba iyo dhibaatadii reer Baydhaba ka soo gaartay USC–Caydiid iyo SNF-Mareexaan, markii keydkoodii ay cuneen, kufsi, boob iyo dhacna isuhu dareen, abaar xunna ku dhufatay, waa marka ay Mary Robinson bookhatay Baydhaba madaxweynihii Jamhuriyadda Ireland, ayada oo ku dul ilmaysay goob ay sir jaraaid ku qabatay, foolxumada waxa ay indheheeda ku soo aragtay.

Ka dar oo dibi dhal, arxan darradii reee Baraawi ay kula kaceen USC-du gabdhahooda la kufsaday, mood iyo maal wixii ay lahaayeenna la qaatay, waa marka uu caqligaagu ku siinayo in aan soo marnay wakhtigii is adduunsiga laakiin dunidu ku jirtay casriga—1990—1995 waa loogu yeeri karaa xilli adduunsi.

 

Xusuuqii USC iyo isir sifeyntii ay kula dhaqmeen Daarood, in aan qof loo aabbeyeelin Xamar la isaga turin xabada, waxa naxariista iyo islaamnimada la dhahana meel la isaga soo tuuray. Waxaad arkeysaa bogag illintu ku tifqeyso waa marka uu ka sheekeynayo xusuuqii qoxootiga Joobaale iyo Banbalaayo waa Hiiraan Xawaadle iyo wixii ay ku sameeyeen Qaxootigii Ogaadeen.

Qoraagu waxaa uu doortay run kharaar oo laga heshiiyo iyo been aan dhammaan oo la isku cameeyo, waxaa uu doortay runta, heshiiska Soomaaliyeed waxaa uu aamminsan yahay in ay ku jirto in wixii dhacay runta la isaga sheego, la iska cafiyo lana istiiraan bixiyo.

Waxa dhacay marka aad dib u akhriso sida ay u dheceen iyo dadka sameeyey ficillada ay ku dhaqmeen, hal aragti ayaad ka qaadanaysaa: Waa Isma Dhaanto. La isma dhaamin, Siyaad talo mahayn, Caydiidna caqli mahayn, Cali Mahdi waa la mid, ku darso oo SNM waxa ay geystay waa wax u baahan maanta hoggaankeeda nool in lagu maxkamadeeyo, SSDF iyo Cabdullahi Yusuf waxay geysteen waa gabood fal ka baxsan dareenka aadamaha, cid u qarin karta ma jirto.

Qoraal laguma soo koobi karo laakiin waxaan jeclaan lahaa bal in la isku hawlo in qof walba akhriyo, laakiin aan si cadiifadeysan loo akhriyin, akhriste u noqo, casharna ka baro. Wakhtigu wakhtigii maaha, dadkuna dadkii maaha. Diin baa la bartay, doolar baa la tabcaday, cilmina waa la yeeshay. Horay baa loo soconayaa.